Uncategorized

Booliska Mexico oo Xabsiga Dhigay “Dameer” Rabshoole Ah (Muuqaal)


Dhacdo qosol badan oo ka dhacday mid ka mid ah magalooyinka Mexico, booliska ayaa qabtay dameer oo xabsiga dhigay, kadib markii uu kasoo baxsaday qofkii iska lahaa una geystay dhibaato badeeco uu qof muwaadin ah iska lahaa.

Dameerkan ayaa kasoo baxsaday magaalada Komitaan ee gobolka Tashiyaabaas ee dalka Mexico, waxa uu dhibaato u geystay dameerkani badeeco gaar loo leeyahay, arrintaas oo keentay in booliska loogu yeero, wey qabteen oo ay xabsiga dhigeen.

Sida ay boolisku sheegeen, dameerkan ayaa xabsiga lagu sii haynayaa illaa inta laga helayo qofkii iska lahaa, oo laga rabo inuu bixiyo magdhowga dhibaatadii uu dameerku geystay, waa sida ay sheegtay jariidada “Fangaardiya” ee dalka Mexico kasoo baxda.

Inta laga helayo milkiilaha dameerkan, boolisku waxey u ogolaadeen caruurta deegaanka iney dameerka booqdaan oo xaaliddiisa ay si gaar ah ula socdaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close