Uncategorized

Waxa Uu Damcay Inuu Gurigiisa Tuugada Ka Ilaashado.. Dabinkii uu Dhigay Tijaabadiisii Ayaa Salfatay! (Muuqaal)


Oday Mareykan u dhashay ayaa si layaab leh u geeriyooday xilli uu isku dayayay inuu gurigiisa tuugada ka ilaashado oo in loo soo dhawaado xitaa lagu soo dhici kari waayo.

Warbaahinta ayaa sheegtay in odaygan 65-jirka ah uu ku noolaa magaalada yar ee Faanboorin ee gobolka Miin ee bariga Mareykanka, waxaa ku dhacday xabbad, arrintaas oo khasabtay in isbitaalka loola cararo kadib markii uu la xiriiray waaxda gurmadka degdegga ah.

Booliska ayaa sheegay ninkan oo lagu magacaabo Ronaldo Siir, uu geeriyooday iyadoo ay jirtay iney dhakhaatiirtu isku dayeen wixiii karaankooda ah si ay noloshiisa u badbaadiyaan, waa sida uu sheegay website-ka Sky News.

Intii baaritaanka dhacdadan lagu gudo jiray, ayaa waxaa caddaatay in dhibanahani uu ku dhaawacmay qori uu albaabka ku hagaajiyay oo markii la isku dayo in lasoo furo si automatic ah isku ridaya, waxey u muuqataa inuu isku dayayo inuu tijaabiyo oo xabbaddan dishay ay xilligaa ka fakatay.

Markii guriga daafahiisa kala duwan la baaray waxaa caddatay in dhowr meelood oo kale uu qoryo automatic ah uu dhigay  si tuugga isku daya inuu guriga gudaha u soo galo aanuu nafta goobta ugala bixin, arrintaas oo dhankeeda keentay iney boolisku u baahdaan khubaro qoryaha furfurta.

Waxaa xusid mudan, in qalabka digniinta ee qoryaha ku rakiban ay sharcidarro ka yihiin gudaha Mareykanka oo aan la ogoleyn in guryaha lagu xiro, maadama dhowr dhacdo oo tan la halmaal ah ay horey usoo mareen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close