Uncategorized

Labo isbuuc Ayey Lama Dagaan Ku Dhex Lunsaneyd oo Si Yaab Badan Ayey Geeri Uga Badbaadday (Muuqaal)


Muddo labo isbuuc ah ayaa waxey ku lunsaneyd lama dagaan ku yaalla meel geeri go’an ah, booliska ayaa helay haweenay nool oo si mucjiso ah uga badbaadday geeri.

Sida ay sheegtay shabakadda Sky News, daaweyntii ay u baahneyd ayey heshay Tamara Makbeth Raalli oo (52-jir ah), kadib markii la helay iyadoo ag joogta barkad biyo ah oo ku taalla goob cid ah dhex bartamaha Australia.

Ralli, waxey la dhibaatooneysay qalleyl markii ay boolisku heleen, raadinteeda waxaa loo adeegsaday helikabtar.

Haweenaydan 50-jirka ah oo labo ka mid ah saaxiibadeed ay horey isku sii raaceen, ayaa waxeyna ka soo baxeen magaaalada Sabringis, ee dhex bartamaha Australia, 19 November, safar ay kaligood ugu baxeen dalxiis ay lama dagaanka ku aadeen, laakiin gaarigii ay wateen ayaa webi agtii uga xayirmay oo dhiiqo ka galay, halkaas oo dhibaato uga bilaabatay Raali iyo labadeedii saaxiib.

Saddexdan qof muddo 3 cisho ah ayey gaariga ku jireen, waxeyna cunayeen sahaydii ay wateen.

Markii sahaydii ay ka go’day, ayaa waxey qaateen go’aan adag, iyadoo ay jirto in heerkulka uu gaaray 40-darajo oo qorraxdii ay aad u kululaatay, waxey kujiri kari waayeen gudaha gaariga, markaas ayey goosteen iney ka baxaan, waxey socdeen halkiilo-mitir iyo bar, kadib waxey heleen barkad ay biyo ku jiraan.

Tamaara waxey goosatay inaaney barkadda biyaha ah iska ag joogto, buskud ay haysatay ayey is tustay iney biyaha ku cabto oo intii suurtaggal ah ay nafteeda ku celiso, waa sida ay sheegtay, halka labadeedii saaxiib ay ka dhaqaajiyeen oo ay cagta saareen si ay ubeegsadaan wadadii ugu dhaweyday iyagoo adeegsanaya Jii-bii-es iyo jiheeye ay wateen.

Markii ay baxayeen waxey horey u sii qaateen 6-litir oo biyo ah iyo cunto yar oo usoo hartay, Raalli waxey usii sheegeen iney habeenkii socon doonaan oo ay maalintii ka nasan doonaan, kuleylka qorraxda oo ahaa mid aan loo adkeysan karin.

 Saddexda qof baadigoobkoodo waxaa loosoo kiciyay helikabtar markii dambe Raalli ka helay barkadda agteeda, halka kooxdii baadigoobku ay weli raadinayaan labadeedii saaxiib oo aan illaa iyo  hadda la helin meel ay jaan iyo cirrib dhigeen.

Raalli waxey tiri; waxaan aaminsanahay iney waddo heleen, haddii aaaney sidaasi dhicinna, wax laga welweli karo ay jiraan.Qowsaar ayaa kaalin mugleh ka qaatay in haweenaydan la badbaadiyo, isagaa booliska u sheegay halka uu ku arkay raadka gaari markii dambe ay boolisku soo tilmaansadeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close