Uncategorized

Sirta Beerta Dhagaxa ee Ku Taalla Gudaha Iran (Muuqaal)


Beerta dhagaxa ee gudaha Iran ayaa waxey ka mid tahay sheekooyinka ugu yaabka badan, beertani waxey ku taallaa magaalada Sarjaan ee hoostagta gobolka Karmaan, beertan ayaa dhagaxaan ka lushaan laamaheeda qalalan bedelkii miro laga guran lahaa.

Beertan ayaa waxey ka mid tahay goobaha loo dalxiiska tago gudaha Iran, sidoo kale waxey ka mid tahay beeraha ugu yaabka badan dunida.

Sida ay tilmaamayaan dadka xog-xogaalka u ah qisada beertan ee gudaha Iran ku sugan, beertan waxaa dhisay nin indhoole  iyo dhago la’aan isku darsaday oo lagu magacaabi jiray Darwiish Khaan oo dhisay sanadkii 1961, waxa uu kaga cabanayay beer uu lahaa oo dowladdu ay ka qaadday xilligaas, dhulka intii usoo hartay geedihii ku yaallay ayuu qalajiyay kadibna dhagaxaan ayuu kasoo lulay, waxaanuu u xanaaneeyay sidii miro geedka ku yaalla oo kale.

Darwiish Khaan waxa uu geeriyooday sanadkii 2007 iyadoo da’diisu ay sii caga-cageynayso 83-sano, beertiisa ayaana lagu dhex aasay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close