Uncategorized

Magaca “Maxamed” oo Markii Ugu Horreysay Ka Mid Noqday 10 Magac ee Loogu Adeegsiga Badan Yahay ee Caruurta Loo bixiyo gudaha Mareykanka(Muuqaal)


Shirkad cilmibaarista ka shaqeysa gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegtay in magaca Maxamed uu ka mid noqday 10-magac ee loogu adeegsiga badan ee caruurta loo bixiyo sanadka 2019.

Shirkadda cilmibaarista Mareykanka ee Baby Center, ayaa warbixin ay soo saartay, Khamiistii 5 December, 2019, ku sheegtay in qoysaska kiristanka iyo kuwa diimaha kale haysta ee aan islaamka ahayn ay caruurtooda u bixiyaan magacyo kala gudaha isla markaana ay haystaan dooraashooyin kala duwan iyo magacyo farabadan, laakiin Muslimiinta ku dhaqan gudaha Mareykanka ay weli sii wadaan iney caruurtooda u bixiyaan magaca nabigooda Muxammed, waa sida ay xaruntan hadalka u dhigtay.

Haddaan eegno dhanka magacyada ugu badan ee loogu adeegsiga badnaa 2019, waxey kala yihiin, Liyam, Jakson, Nuux, Eydan, Garaaysoon, Kaaydiin, Lukaas, Eyliya, Olifiyeer iyo Maxamed.

Waxaa xusid mudan in magacan “Maxamed” uu noqday magacyada loogu adeegsiga badan yahay ee caruurta loo bixiyo gudaha Ingiriiska sandkii 2018, xafiiska tirakoobyada Ingiriisk ayaa warbixin uu soo saaray August 2019 ku sheegay in magacyadii ugu badnaa ee caruurta loo bixiyo 2018 uu kaalinta Sideedaad ka galay magaca Maxamed.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close