Uncategorized

Waxa uu Isku Bedelay Kursi Si Ay Xaaskiisu Ugu Fadhiisato. .. Muuqaal “Qalbiga Gilgilay” (Muuqaal)


Nin xanaano badan ayaa indhaha adduunka marqura soo jiitay kadib markii uu kasoo muuqday muuqaal laga duubay kaamirada ilaalada isbitaal, kursi ayuu iska dhigay si ay xaaskiisa oo xaamilo ahayd ugu nasato.

Muuqaalka ayaa waxaa laga daawaday haweenay xaamilo ah oo istaagu ku adag yahay xilli ay fayl ku jirtay oo ay sugaysay dhakhatar isbitaal ku yaalla magaalada Higagng, halka kuraasta ay dad ku fadhiyeen, wax arxan ah uma aaney gelin xaaladeeda ayey ku eegteen.

Markii xaaladdu halkaa marayso oo daqiiqado ay haweenaydu dhibaatooneysay, ayaa ninkii uu dhulka fadhiistay dhabarkiisa ayuu u fidayay, waxa uuna ugu baaqay iney ku fadhiisato, waa sida uu sheegay website-ka “West China Morning Post”.

Markii ay xaaskiisu ku fadhiisatay ayuu biyo waraabiyay, xaaladdaa adag ayuuna in muddo ah ku sugnaa si ay u nasato.

Booliska magaalada ayaa faafiyay muuqaalka oo ku faafiyay appka Tik Tok,  dadka waxey ka codasadeen in ninkan qiimaha badan ammaan hawada loo mariyo, iyagoo sidoo kale dhaliil u soo jeediyey shaqsiyaadkii haweenaydan uurka leh kursiga uga kici waayey ee xaaladda adag ku eegtay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close