Uncategorized

Dhacdo Argagax Badan.. Waxey Kusoo Eedaysay Kufsaday.. Inta Uu Wada u Galay Ayuu Dab Qabadsiiyay (Muuqaal)


Dhacdo argagax badan oo ay dadku aad uga xumaadeen ayaa ka dhacday gudaha India.. gabar dhalinyaro ah oo kufsi loo geystay horey uga badbaadday gobolka Owtar Baradhish ee gudaha India, ayaa waxaa gubay nin ay kusoo eedaysay inuu kufsi u geystay.

Gabadhan dhalinyarada ah ee 23-jirka ah ayaa waxey la kulantay weerar bahalnimo ah oo rag farabadani ay kusoo qaadeen, xilli ay u socotay maxkamad maxalli ah oo uu ka socday dhageysiga dacwad kufsi ah oo bishii Marso ay maxkamad ka furtay.

Gabadhan dhibanaha ah ayaa jirkeeda uu gubtay 60 ilaa 70%, waxaana loo qaaday isbitaalka iyadoo xaaladeedu ay culus tahay, sida ay boolisku sheegeen dhacdadan waxaa loo qabtay 3 nin, oo uu ka mid yahay qof horey ugu eedaysnaa inuu gabadha kufsaday, labo qof oo kale ayaa weli cadaaladdu raadineysaa, kuwaas oo ku lug lahaa weerarka gabadhan loo geystay.

Haweenaydan ayaa labo nin kusoo eedaysay iney kufsadeen oo ay weliba dhacdadaa ka duubeen.

Labada eedaysane mid ka mid ah ayaa la qabtay, laakiin kafaalo ayaa lagu siidaayay, halka eedaysanihii labaad la qabtay oo uu ka mid ahaa dadkii haweenaydan dhibanaha ah gubay, waxa uu ahaa qof horey cadaaladdu u raadineysay.

Faldambiyeedkan ayaa dhacay, maalmo un kadib markii dhakhtarad xanaanada xoolaha ka shaqeysa oo la oran jiray Biriyanka Riidi, oo 27-jir aheyd ay la kulantay kufsi wadeer loogu gaystay Xaydar-Abaad, ficilkooda xun kadibna ay jirkeeda gubeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close