Uncategorized

Ninka India Ugu Nasiibka Badan.. Waxa uu Ku Guuleystay Bakhtiyaa-nasiib… Waxaana uu Helay Hanti Dhulka Hoostiisa Ku Aasneyd (Muuqaal)


Nin dalka India u dhashay oo horey ugu guuleystay 800-kun oo dolar ee bakhtiyaa nasiib ah, ayaa waxa uu helay hanta farabadan oo dhulka ku aasneyd oo si lama filaan ah uu ku helay, lacagta uu helay ayaa 100-sano ka hor la isticmaali jiray.

Rathnakaran Pillai, ayaa 842-kun oo dolar oo uu bakhtiyaa nasiibka ku helay bishii Janaayo 2018, dhul uga iibsaday deegaankii uu kusoo jeeday ee Kilimanuur ee gobolka Kiiraala ee gudaha India.

Xilli uu dhulkiisa abuuranayay ayaa meel u dhow xarun lagu cibaadeysto oo la yiraahdo Kirishna oo qadiimi ah uu ka helay weel dhulka ku aasnaa oo ay ku jiraan 2500 shilin, markii la baaray,waxaa la ogaaday in lacagta la isticmaali jiray xilligii boqortooyadii Taraafaankaawar, taas oo maamuli jirtay gobollada Kiiraallada Koonfureed boqolaal sano.

Lacagtan oo miisaankeedu noqday 20-kiiloogaraam oo iskugu jira, dahab, maar iyo qalin, ayaa la aamisan yahay in cimrigeedu yahay 100-sano.

Belay xukuumadda deegaankiisa ayuu gaarsiiyay hantida uu helay, waxaana loo diray shaybaar si loo nadiifiyo, qiimaha hantidana waxaa loo xilsaaray khubaro kasoo baaraandaga.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close