Uncategorized

Jariidada New York Post Ayaa Faafisay Muuqaal Aaney Boolisku Dooneyn In la Faafiyo (Muuqaal)


Jariidada “New York Post”, ayaa faafisay muuqaal cinwaankiisu yahay “Xabbad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa”, iyagoo kusoo hoos qoray Boolisku ma doonayaan in muuqaalkan la faafiyo.

Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqanaya booliska oo hareereeyay eedaysane mukhaadaraad isticmaalayay oo la yiraahdo, Lukas Elerman” oo ku jira gaari nooca Bik-up ah duleedka magaalada Washington, dariishadihii gaarigii uu watay ayey burburiyeen, waxeyna dariishada gaariga uga geliyeen ey weeraray oo ay ku cabsi gelinayeen.

Intaa kadib eedayasnihii waxey kasoo saareen gaariga, dhulka ay xabad u jiifiyeen, aad ayeyna u garaaceen, waxaan afkooda ka baxayay hanjabaad iyo erayga ah kow ayaan kaaga siineynaa, madaxa ayaan kaa tooganayaa.”, iyadoo ay jirto inaanuu Lukas wax iska cabin ah kala hor imaan.

Markii muuqaalkan laga daawaday baraha bulshada ayaa dadku ay aad u dhaliileen wadada bahalnimada ah ee ay ciidanku ula dhaqmeen eedaysanahan aan wax iska caabbin ah sameyn ee bilowgii horaba is dhiibay.

Lukas, ayaa boolisku ku qabteen isagoo mukhaadaraad ku isticmaalaya gudaha gaarigiisa, xukunkii si degdeg ah ayaa lagu gaaray oo waxaa lagu xukumay 70-bilood oo xabsi ah, waa sida ay jariidadu sheegtay.

Dadkii dhacdadan ka falceliyay waxey yiraahdeen hubaashii Lukas waa dambiile oo in la ciqaabo ayuu mudan yahay, laakiin waxaan marnaba la qaadan karin wadada gaboodfalka leh ee ay boolisku ula dhaqmeen shaqsi is dhiibay oo wax iska caabbin ah aan kala horimaan.


Goobjoog Edu

Related Articles

Close