Uncategorized

Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska oo Qirtay Dambigii Ugu Xumaa ee Uu Ku Dhaco (Muuqaal)


Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa Axaddii sheegay in dambigii ugu xumaa ee uu galay isla markaana uu diyaarka u yahay inuu qirtaa uu yahay in sharciyaradda waddo marista uu jabiyay xilli uu watay baaskiiladiisa khaaska ah.

Johnson oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyay dambigii ugu xumaa ee uu galay ee uu doonayo inuu dadka ka hor qirto, ayaa inta aanuu su’aashan ka jawaabin marka hore uu xoogaa tashi ah la yeeshay la taliyihiisa, kadib waxa uu yiri: “Waxaan aaminsahay in xilliyada qaar marka aan baaskiiladeyda wato maalintii, marwalba qaanuunka waddo marista ma ilaalin jirin, xilliyada qaar baaskiiladda waxaan la kori jiray marshabiyeediga.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan doonayaa inaad ogaataan inaan aad uga soo horjeedo in baaskiildda marshabiyeediga lala koro, waxaan aaminsanahay iney khalad tahay, arrintaasina waan ka diiqadoodaa, laakiin xilliyada qaar anigaaba baaskiiladda la koray marshabiyeediga.”, waa sida ay qortay shabakadda Sky News.

Dhanka kale, waxaa wax laga weydiiyay inuu ka welwelsan yahay iyo inkale natiijada ra’yi uruurin cusub oo dhawaan laga sameeyay gudaha Ingiriiska oo tilmaameysa in xisbiga muxaafidiinta ee uu hoggaamiyo ay aad iskugu dhow yihiin xisbiga shaqaalaha, ayaa waxa uu yiri: “Runtii aad ayaan uga welwelsanahay, maxaa yeelay; waa xaalad kala bax ah oo uu waddanku marayo.”

Afar ra’yi uruurin oo la sameeyay ayaa sheegaya in xisbiga muxaafidiinta ee Johnson uu hoggaamiyo  ay 8-dhibcood ka horreeyaan, halka ra’yi uruurinno kale oo Arbacadii la sameeyay ay tilmaameen in xisbiga muxaadifiintu(Conservative) ay 10-dhibcood ka horreeyaan xisbiga shaqaalaha, arrintaas oo tilmaameysa in wax aad ah aan la kala fogey.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close