Uncategorized

Gaarigeeda Ayey Kasoo Degtay Si ay U kala Qabato .. Si Aad u Foolxun Ayeyse u Dhimatay (Muuqaal)


Hooyo 25 jir ah ayaa waxey la kulantay dhacdo ay nafteeda ku weyday, Sabtidii hore, kadib markii toorrey lala dhacay xilli ay ku sugneyd Norathhambtonshaayar ee dhex bartamaha Ingiriiska.

Website-ka “Sky News” ee dalka Ingiriiska kasoo baxay ayaa sheegay inlfi Diifis, oo ahayd hooyo  labo caruur ah haysata, wey dhimatay xilli ay isku dayaysay iney kala qabato labo darawal oo is haystay iney nafta is dhaafiyaanna ku sugnaa.

Boolisku waxey sheegeen in haweenaydan dhibanaha ah tooray lala dhacay, dhacdadan ayaa ka dhacday meel ay labo waddo iska jaraan Welingbooro iyo wadada San Jorge, saacaduna ay mareyso Sideedii iyo barkii galbnimadii Sabtida.

Boolisku waxey caddeeyeen in hooyadan dhalinyarada ah ay isku dayday iney labo nin kala qabato inta aaney mididu ku dhicin.

Waxey hadalkooda sii raaciyeen: “Weerarka haweenaydan lagu qaaday mid aan ku talogal ahayn maaha, in kastoo weli baaritaankii uu socdo, si loo ogaado faahfaahinta oo dhammeystiran.”

Faldambiyeedkan ayaa waxaa loo qabtay nin 27 jir ah, oo lagu tuhunsan yahay inuu dambigan si bareer ah u geystay, halka nin kale loo qabtay in ninka faldambigeed geystay  uu doonayay inuu ruuxda dhaafiyo.

Barta Facebookga ee hooyadan ay la hayd ayaa waxaa lagu soo dhoobay comment  loogu tacsineynayo, dadku waxey u qireen iney ahay hooyo aad u wnaaagsan, xilli kasta dhoollacaddeyn badneyd, aadna loogu yaqaaneey kaftanka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close