Uncategorized

Sidee Libaaxa Loola Saaxiibaa?


Muuqaal aad ugu faafay barta Twitterka ayaa waxaa ka soo dhax muuqanaya nin beeraaley ah oo aad u yaqaanna sida xaywaanka loo laylo oo ku dhaqan Koonfur Afrika oo la ciyaaraha qoys Libaaxyo ah oo si layaab leh ay isku dhex galeen.

Kaamirada  ayaa soo qabatay qoys libaaxyo ah oo si xiiso leh saf ugu soo galaya shaqsi markii uu arkay gaariga uga soo dagay, xilligaas ayaa si kalgaceyl leh ay laabta isku geliyeen libaaxii iyo ninkii, halka gooshiina ay soo raacday oo ay libaaxii soo labeysay.

Jariidada The Sun  ayaa barteeda Twitterka ku faafisay muuqaalkan, waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah gool uu libaaxu dhalay oo ka dhex baxeysa labada lugood ee ninkan oo si qosol leh uga falceliyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close