Uncategorized

Boqoradda Quruxda Jamayka oo Ku Guuleysatay Boqoradda Quruxda Adduunka (Muuqaal)


Haweenay Reer Jamayka haweenayda la yiraahdo Toni Aan-Sing ayaa loo caleemo saaray boqoradda Quruxda adduunka sanadka 2019 kadib markii ay ku guuleysay tartan adag oo ka dhacay dalka Ingiriiska, haweenaydan ayaa sheegtay iney dooneyso in taajka ay ku guuleysatay ay u adeegsan doonto si ay isbedel joogto ah ugu sameyso dumarka iyo caruurta oo ay noloshooda wax ka bedesho.

Mar ay ka jawaabeysay su’aal laga weydiiyay qiimaha tartanka quruxdu uu maanta dunida ugu fadhiyo si loo gaaro sinnaan iyo ixtiraam ay dumarku helaan, ayaa Sing (oo 23-jir ah) isla markaana ka qalinjabisay jaamacadda Folorida ay sheegtay in quruxdu ay dhankeeda ka ahayd guulaha ay dhanka nolosha ka gaartay tii ugu muhiimadda yareyd.

Sing, waxey saxaafadda u sheegtay, iyadoo aad u faraxsan markii lagu dhawaaqay iney tartarnka ku guuleysaty : “Waxaan doonayaa inaan isbedel joogto ah sameeyo, haddii aan dumarka ka hadlana waxey u baahan yihiin, ayay tiri, iney kalsooni helaan si ay caruurtooda iyo ilmaha ka farcama ay u noqdaan kuwo qiimo gooonni ah ka sameeya nolosha.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close