Uncategorized

“Eyda Sheydaanka”.. oo Ka Faa’iidaystay Dhaawaca Nin Isagoo Nool Ay Cuneen (Muuqaal)


Warbaahinta Spain ayaa tooshka ku ifisay dhacdo xanuun badan, nin ay eyi cuntay isagoo nool, eydaas oo gaaray heer bahalnimo aan horey loo arkin, taas oo keentay in  warbaahinta Spain ay u bixiso magaca “Eydii Shaydaanka.”.

Jariidada “Daily Star”, ayaa sheegtay in Eydu ay ninkan ku weerartay gudaha Spain si arxan darro ah ay u cuntay, jariidada ayaa tilmaantay in ninkani uu markii hore la kulmay dhaawac oo middi lagu dhaawacay gudaha jariiradda ugu weyn jasiiradaha Kanaari ee dalka Spain, waxaa markii dambe soo weeraray koox ey ah oo dad cun ah oo qeyb ka mid ah jirkiisa cunay.

Boolisku ninkan maydkiisa waxey ka heleen meel kayn ah oo ku taalla magaalada Lala-gona oo ah magaalada labaad ee ugu weyn jasiiraadda Tanreefi, ee taariikhiga ah loona dalxiiska tago, saacadihii hore ee subaxnmadii Jimcaha, halka waaxda gurmadka degdegga ah ay ku tilmaameen dhaawicii ninkan jirkiisa ay ku arkeen mid argagax badan, waxeyna hoosta ka xariiqeen inuu u dhintay dhiig badan oo jirkiisa ka baxay.

Boolisku ninkan maydkiisa waxey heleen wax yar un ka dib markii uu dhintay, waxaana goobta kusoo hagay dad maqlayay ninkan qeylo dhaantiisa iyo inuu codsadanayay in loosoo gurmado..

Ninkan ayaan la garaneyn cidda uu yahay iyo dalka uu u dhashay toona, laakiin waxaa la aaminsan yahay inuu da’aadda Afartanak ku jiray, boolisku weli ma aaney hubin in dhinac saddexaad uu dilka ku lug leeyahay  iyo in mididada jirkiisa ku taalla ay kasoo gaartay iska caabintii uu eyda islahaa iskaga difaac.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close