arrimaha bulshadaWararka

Wadno Xanuun Ayaa Kusoo Booday Markii uu Arkay “Canugiisa oo Ku Dhex Jira Qasaaladda Dharka” (Muuqaal)


Ma suureyn karta argagaxa uu aabahani dareemay markii uu wejiga canugiisa yar oo soo eegaya uu ku arkay gudaha qasaaladda dharka?

Waa xaaladda qabsatay shaqsi ka mid ah dadka barta Twitterka isticmaala dhowr isbuuc ka hor, laakiin nasiib wanaag waxa uu arkayay wiilkiisa yar ma ahayn ee waxa uu ahaa funaanad uu ku sawirnaa oo si gaar ah loogu soo sameeyay.

Aabahan ayaa soo qoray sawirka oo baraha bulshada soo dhigay, qoraal uu ku sheegayo in isbitaalka loo qaaday kadib markii uu wadno xanuun kusoo booday, qaadanwaagii uu kala kulmay dhacdada awgeed.

Waalidiinta ayuu uga digay iney la kulmi karaan dhacdo tan la mid ah waxaana uu yiri: “Waxaan idinka codsanayaa, haddii aad mayreysaan dhar ilmihiinnu uu ku sawiran yahay, digniin dul dhiga qasaaladda  ama shay kale oo lagu garto, si aan loogu khaldamin.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close