Uncategorized

Waxa Uu Isku Tuuray Ceel Moolkiisu Yahay 50 Feet Si Uu U Badbaadiyo Mas Weyn oo Ceel Ku Dhacay! (Muuqaal)


Muuqaal aad looga daawaday baraha bulshada ayaa wiil dhalinyaro ah oo dalka India u dhashay uu isku tuuray ceel  moolkiisu yahay 50 feet, si uu u badbaadio mas weyn oo ceelka ku dhacay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxa uu ku guuleystay inuu badbaadiyo maska, laakiin waxa uu garab weydiistay asxaabtiisa oo xarig usoo tuuray si uu ceelka uga soo baxo, ceelkii ayey kasoo saareen iyadoo uu maskii  dhaxdiisa ku duuban yahay.

Markii hore wiilkan dhalinyarada ah waxaa ku adkaatay inuu ceelka ka soo baxo, xarigga ayaa u siibtay oo ceelka ayuu dib ugu dhacay, laakiin maska marna ma’aanuu sii dayn, waxa uu sugay inta asxaabtiisu ay marlabaad xarigga ugasoo tuurayaan si uu ceelka uga soo baxo.;

Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka dhalinyarada ah oo ceelka isku sii tuuraya si uu maska u badbaadiyo, marka uu ceelka moolkiisa gaaro ayaa waxaa u suurtagaleysa inuu maska qabto, kaas oo dhankiisa isku duuduubay markii uu ninkan arkay, waa sida ay qortay “Jariidada New York Post”, ugu dambeyn markii ay u suurtagashay inuu dibadda u soo baxo ayuu maskii duurka ku sii dayay si uu noloshiisa usii wato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close