Wararka

Canug yar oo 7 Jir ah oo Badbaadisay Nolosha Hooyadeed oo Khat Ku Jirtay.. Muuqaal Ay YouTubeka Ka Daawatay Ayaa Caawiyay (Muuqaal)


Gabar yar oo 7 jir ah ayaa badbaadisay nolosha hooyadeed oo khatar ku jirtay kadib markii ay u fidisay gurmad degdeg ah (Cardiopulmonary resuscitation) , oo ay neef ku siisay hooyadeed markii ay aragtay iney miyirdaboolantay, sida gurmadkan loo fidin karo waxey ka baratay muuqaal ay ka daawatay barta Youtube.

Gabadhan yar ayaa markii hore koob biyo ah hooyadeed wejiga kaga shubtay, si ay u baraarujiso, markii ay aragtay inaaney wax dareen ah lahayn ayey ogaatay in xaaladeedu ay khatar tahay  markaas ayey la xiriirtay waaxda gurmadka degdegga ah.

Jasika waxey hooyadeed u fidisay gurmad si ay wadnaheeda uga shaqeysiiso, waxeyna ku dadaaleysay iney neef siiso ilaa ay ka soo gaarayeen waaxda gurmadka degdegga ah, dhakhaatiirta isbitaalkii hooyadan la geeyay ee Biristoon ayaa sheegay in isku dayadii gabadhan yari  ay sameysay ay keeneen in hooyadeed oo xaalad khatar ah ku jirtay nolosheeda la badbaadiyo.

Jesika bilad geesinimo ayey ka heshay waaxda gurmadka degdegga ah, waxeyna sheegtay iney dooneyso iney mustaqbalka noqoto dhakhtarad guuleysata, waa sida ay sheegtay jariidada Mirror Online ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close