Wararka

Nolol Labo Weji Leh.. Dhan Waa Ka Ganacsi Bulshada Xurmo Ku Dhex Leh.. Marna Waa Tuug Weyn oo Bankiyada Dhaca! (Muuqaal)


Waqti badan ayaa loo haystay Ruus Makarti inuu yahay gacansade wanaagsan oo ku dayasho mudan, shaqadiisana si wanaagsan oo sharaf  leh u guta, markaa waqti badan ayey ku qaadatay iney ogaadeen wejigiisa kale iyo noloshiisa u qarsoon.

Makarti  oo (70 jir ah), waxa uu maxkamadda ka hor qirtay inu ku noolaa nolol labo weji leh, waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa dhac bankiyo loo geystay todobaatameeyadii qarnigii hore, waa sida ay sheegtay idaacadda xukuumadda Australia oo warkiisa baahisay.

Dhacan ayaa in muddo ah hal-xiraale ku noqday booliska oo ay ku adkaatay iney helaan dambiilihii ka dambeeyay, laakiin faylka waxaa dib loo furay 2018.

Makarti waxa uu qirtay 4 ka mid  ah  8 dambiyadii uu ku eedaysnaa ee uu ka geystay gudaha Sedni, iyadoo lacagaha uu xilligaa dhacay lagu sheegay 12-kun iyo Todobo boqol oo dolar.

Waxa uu sheegay in saacadda nasashada ee qadada marka ay shaqaaluhu u dareeraan in uu ka faa’iidaysan jiray si uu dhac u geysto, waxa uu ku weerari jiray baaskoolad faalso ah, waxaanuu xiran jiray dhar iyo maaskaro aan lagu aqoonsan karin.

Laakiin waa tuug iyo xalaaddiise waxa uu ka tagay caddeyn ugu dambeyn sababtay in gacanta lagu soo dhigo, gacantiisa ayuu ku qori jiray boorar hanjabaad ah oo uu u taagi jiray shaqaalaha Bankiyada si ay lacag ugu soo saaraan.

Boorarkii uu qorayay ayaa farihiisa laga helay, kadib waxaa caddaatay inuu yahay tuuggii in muddo ah la raadinayey.

Makarti , marka uu dhaca geysto shaqadiisa ayuu dib ugu soo laabanayay sidii inaaney waxba dhicin oo kale, shaqadiisa ayuuna sidii caadiga ahayd usii wadanayey, si aan looga shakin.

Lacagaha uu soo xado waxa uu ku bixinayay khamaar uu xilligaa ciyaari jiray, bankiyada inuu dhaco waxa uu ka joogsaday markii uu iska daayay khamaarkii uu ciyaarti jiray

Goobjoog Edu

Related Articles

Close