Wararka

70-sano Ayey Wada Noolaayeen.. Dhimashadooda Waxaa u Dhaxeysay 20-daqiiqo (Muuqaal)


Lamaane muddo 70sano ah is-qabay ee dagganaa magaalada Jekson ee gobolka Mashiigaan ee dalka Mareykan ayaa isla maalin geeriyooday oo dhimashadooda  u dhaxeysay 20 daqiiqo oo qura.

Jariidada The Sun ayaa sheegtay in Lis iyo Wafriida Ostin ay isku barteen iskuulka, sanadkii 1949 ayey is guursadeen, Lis waxa uu u adeegi jiray ciidanka cirka Mareykanka oo uu ka tirsanaa xilligii dagaalkii Kuuriya, kadib waxa uu ku biiray ciidanka booliska Mashiigaan, hiwaayadihisa waxaa ka mid ahaa inuu guriga iyo beertiisa ka shaqeeyo, isla markaa uu si gaar ah u aruuriyo waxwalbo oo ku saabsan aktarka “Joon Lii” oo uu aad u jeclaa, halka xaaskiisu ay ka shaqeyn jirtay muddo dheer shirkad dhanka nadaafadda ka shaqeysa, waxaana hiwaayadeeda ka mid ahaa iney buugaagta cunno karinta uruuriso.

Gabadhooda Sanadaras waxey sheegtay in labadeeda waalid ay jeclaayeen iney fasaxooda ku qaataan xeebta gobolka Mashigaan.

Lamaanahana ayaa bishii November u dabbaaldegay munaasabadda guurka ee 70aad, “Liya Ismiith” oo caruurtoodu dhaleen, ayaa sheegtay iney weligood maalin qura ay daggaalameen, waa mar Lis uu goostay inuu ku biirto ciidanka xilligii dagaalkii Kuuriya, isagoo aan kala tashan.

Wiilka ay dhaleen ee Maykal ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in labadiisa waalid isbitaalka la dhigay xilli ay da’doodu sii caga cageynaysay 90-sano, maalintii 6 December, isla maalintii xigtay ayeyse  geeriyoodeen iyadoo labaatan daqiiqo oo qura ay kala dambeeyeen, waxa uu intaa sii raaciyay, xitaa dhimashadoodu romantic ayey ahayd.

Waxaa lagu aasay Mashiigaan 17 December 2019, munaasabaddii aaskooda waxaa kasoo qeybgalay labo qof oo ay dhaleen, afar qof oo farcamay iyo sideed ruux oo kasii farcamay oo ay macooyo u yihiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close