Wararka

Milyaneir Jarmal Ah oo Raadinaya Saaxiibbo Kula Noolada “Jannadiisa” uu Ka Sameystay Gudaha New Zealand (Muuqaal)


Milyaneir asal ahaan kasoo jeeda dalka Jarmalka ayaa raadinayay tiro dad ah oo uu saaxiibbo ka dhigto oo dhulka uu daggan yahay kula noolaada, dhulkaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay 5.6 milayan oo dolar, dhulkan milkiyaddiisa ah waxa uu ku tilmaamay inuu leeyahay xerooyin fardaha lagu xanaaneeyo iyo qeyb dhanka badda eegayasa oo aad u qurux badan.

Milyaneerkan reer jarmal ee ku nool New Zealand oo la yiraado Karlos Rebeen, ayaa waxa uu doonayaa inuu helo 10 qof oo kula noolaada janadiisa “Awakinoo”, taas oo ku taalla xeebta beri ee jasiiradda waqooyi ee dalka New Zealand,  arrintu waxey gaartay inuu xayaysiin u sameeyo oo jaraa’idka maxalliga ah lagu daabaco.

Xayaysiimaha qaar waxa uu kusoo qoray: “Guri kasta oo dhismaha ku dhex yaalla waxaa ku noolaan kara labo qof, waa iney cuntada dadka kale ee dhismaha daggan ogol yihiin iney la cunaa, haddii aad daneynayso inaad dad muhiim ah la noolaato, tani waxey kuu noqon doontaa nolol cusub oo aad ku diirsato.”

Waxa uu intaa sii raaciyey in qofka soo codsanaya inuu dhismaha dhinac ka daggo ay da’diisu tahay 70-sano, halka la doonayo iney fardahooda horey usoo kaxeystaan, waa marka ay faras leeyihiin.

Sida ay qortay jariidaada “Taranka Daily News” ee maxalliga ah, Raybiin waxa uu hantidiisa ka tacbay qahwada qasaacadeysan oo uu iibin jiray, gacansi ee hanta badan ayuuna ku leeyahay gudaha New Zealand.

Warbixintiisa waxa uu ku sheegay inuu leeyahay waayo aragnimo ganacsi dibadda, laakiin gudaha Jarmalka beeraaleynimo ayuu uga shaqeysan jiray.

Raybiin waxa uu sheegay in dhismaha “Awakiino”, gudaha New Zealand in laga dhiso waxey ku qaadatay 10-sano oo shaqo adag ah, waxa uu hadda diyaar u yahay, waa sida uu sheegay, inuu Janadiisa dadka kale la wadaago laakiin dad wanaagsan uu raadinayo, waa sida ay qortay jariidada The Guadiana.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close