Wararka

Ilbiriqsi Daraamo Ah.. Haweenay Soo Gashay Xaflad Aroos si Ay Caruuska Ugu Sheegto Iney Jeceshahay Una Dhirbaaxdo (Muuqaal)


Haweenay dalka Mexico u dhalatay ayaa fowdo ka kicisay xaflad aroos si ay arooska ugu sheegto iney jeceshahay, halka ay isku dayday iney arooska wejiga ka garaacdo.

Xilli jawi farxadeed oo daggan isla markaana ah mid romantic ah lagu guda jiray, xaflad dhaqameed ka dhacaysay gudaha Mexico ay socotay, ayaa mar qura waxaa iridda ka soo galay haweenay masayrsan, arooska ayay soo ag istaagtay oo ay u sheegtay iney jeceshahay, iyadoo weliba dareenkeeda ku muujineysa si qaylo leh oo aaney waxba reeban.

Muuqaalka dhacdadan laga duubay ayaa muujinaya in haweenaydan ay istaagtay lamaanaha is aroosayay dhexdooda, hadalkeedana ay u jeedisay dhanka arooska oo ay ku tiri: “Rijad, ma guursan kartid, anigaa ku jecel, ma guursan kartid.”

Kadib waxey usii carartay dhanka arooska si ay u garaacdo halka ay qeyladeeda sii wadatay, dadkii xafladda kasoo qeybgalay waxaa lama filaan ku noqotay dhacdada waxey ku wareereen sida ay wax u socdaan.

Kadib waxaa la maqlayaa codka shaqsi u eeg inuu yahay caruuska oo leh dibadda u saaraa, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxda.

Muuqaalka bilowgiisa hore saddex qof ayaaa isku dayaysay iney joojiyaan haweenaydan, laakiin way kasoo fara baxsatay.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dhacdadan waxey ka bixiyeen fasiraad kala duwan, dadka qaar waxey eedayn dusha uga tureen arooska oo ay ku tuhmeen inaanuu ahayn qof daacad ah oo dumar badan uu isku waday, halka dad kalena ay la yaabanaayeen aroosadda iska taagan ee aan wax falcelin ah sameynayn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close