Wararka

Kuwait.. “Lax” Lagaco Farabadan La Kala Siistay oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Baraha Bulshada (Muuqaal)


Lax ayaa lagu iibiyey lacago farabadan xaraash furan oo ka dhacay gudaha dalka Kuwait, waxaana la kala siistay 40,000 oo diinaarka Kuwait ah, waa lacago u dhigma 131-kun iyo 600 oo dolarka Mareykanka ah.

Muuqaal laga duubay xaraashii Laxdan lagu magacaabo “Nacaama”, ayaa muujinaya in lacagta lagu dhawaaqayo ay tahay 40 kun oo diinaarka Kuwait ah, iyadoo ay dadku dhacdadan jeclaysanayaan iyo dhaqanka cusub ee qiimaha sare lagu iibinayo xoolaha.

Lama sheegin hibooyinka ay laxdani la goonnida tahay ee ay dheertahay laxaha kale ee caadiga ah ee qiimaha aadka u jaban lagaga iibso gudaha Khaliijka.

 Laakiin, xilliyadii dambe waxaa soo shaac baxay in waxyaabaha dadka nacfiga u leh la qiimeeyo, dhawaan (bilowgii bishan December), ayaa fanaan u dhashay dalka Taliyaaniga oo la yiraahdo Vincent van Gogh Uu hal xabbo oo moos ah ku iibiyay 120-kun oo dolar, dhacdo isbuucyadii lasoo dhaafay dunida aad looga hadal hayo dadkuna ay aad uga falceliyeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close