Wararka

Guri iyo Labo Geed oo Qura.. Wax Ka Ogow Jasiiradda Ugu Yar Adduunka (Muuqaal)


Meel u dhaxeysa Mareykanka iyo Kanada waxaa ku yaalla jasiiradda ugu yar Adduunka ee la daggan yahay, jasiiraddan ayaa waxaa milkiyadeeda iska leh qoys iibsaday Kontameeyadii Qarnigii hore.

Jasiiraddan ayaa waxey ka kooban tahay guri iyo labo geed oo kaliya, xilliyadii dambe waxey isku bedeshay goob dadka dalxiiska ah ay booqdaan, waxaa loo yaqaannaa “Jariiradda Qolka.”

Jasiiraddan ayaa bedka ay ku fadhidaa uu gaarsiisan yahay 3300 feet oo iskuweer ah(310-mitir oo iskuweer ah), arrintaas oo ka dhigaysa iney tahay jasiiradda ugu yar adduunka ee la daggan yahay.

Qoyska Siisland ayaa iibsaday jasiiradda oo tobonaankii sanno ee lasoo dhaafay noqotay goob caan ah oo loo dalxiis tago.

Jasiiraddan ayaa waxey soo jiidatay aragtida mas’uuliyiinta buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Record oo u diiwaangeliyay iney tahay jasiiradda ugu yar adduunka ee la daggan yahay.

Horey waxaa recordkan  u haystay jariiradda ugu yar Adduunka jasiiradda “Bishop Rock” ee ku taalla meel u dhow xeebaha Sicily(Sishili) ee dalka Taliyaaniga, taas oo jariiradda qoyska Sisland kusoo labo laabmeysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close