Wararka

Haweenay Dhageysaneysay Ninkii Ay Kala Tageen Iyadoo Adeegsaneysa Boombalaha Ay Caruurta Ku Ciyaarto (Muuqaal)


Haweenay kasoo jeedda magaalada Hakitastaawin ee gobolka New Jersey, ayaa waxey si dadban u jaasuusaysay in muddo ah ninkii ay horey  u kala tageen,  iyadoo adeegsaneysa boombalo yar oo ay kusoo qarisay qalab codka lagu dhageysto.

Jariiradada The Sun ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa sheegtay in Hithar Bamford (33-sano) jir ah ay gabadheeda yar  u dirtay guriga ninkii hore ee Dominic, ilmaha yar waxey usoo dhiibtay boombalo qalabka wax lagu dhageysto lagu rakibay si ay ula socoto dhaqdhaqaaqa ninkeedii hore.

 Laakiin markii uu badhanka boonbaha taabtay 15 December-tan gabagabada ah ayaa waxaa uu maqlay codkiisa oo boombalaha ku duuban, xilligaas ayuu dareemay inuu jiro qof warkiisa la socda oo si dadban u dhageysanayey, markaas ayuu goostay inuu booliska la xiriiro.

Afar maalmood kadib ayaa boolisku ay qabteen Banfood oo ku eedaysan iney si sharci darro ah u dhageysaneysay oo ay ula socotay dhaqdhaqaaqa Dominic, ma aaney sheegin mudadii ay dhqdhqaaqiisa la socotay ee ay dhageysanaysay, in kastoo welina baaritaankii lagu waday uu socdo.

November-tii hore ayaa sidoo kale, ay boolisku qabteen wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda magaalada Hobart ee gobolka Tasmaniya ee gudaha Australia, wiilkan dhalinyarada ah ayaa qirtay inuu jaasuusayey oo uu la socday dhaqdhaqaaqa gaariga iyo mobileka lamaantiisii hore, isagoo adeegsana App gaar ah oo dadka laga jaasuuso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close