Wararka

Ilmahooda yare e Naasnuugga ah Ayey Ku Khasbeeen Inuu Khudaar Cuno.. Natiijadii Kasoo Baxday Waxey Noqotay Mid Musiibo Ah (Muuqaal)


Caado ahaan nidaamka ah in cunnada dhirta ah lagu koobnaado oo hilibka iyo waxyaabaha  xiriirka la leh la iska dhowro wey fiican tahay, laakiin arrintu sidaa uma aaney noqon lamaane is qaba oo ilmahooda yar ee naasnuugga ah ku khasbay inuu khudaarta oo cuno.

Shabakadda “Sky News” ayaa Jimcadii sheegtay in waxa ay sameeyeen lamaanahani uu ugu dambeyn keenay in canugooda oo 18 bilood jiray uu geeriyoodo.

Garsoorka gobolka Florida ayaa eedaymo dil darajada koowaad ah usoo jeediyay Rayaan Olire (30-jir) iyo xaaskiisa Shiila (35 jir ah).

Waxyaabaha loo haysto labadan waalid waxaa ka mid ah iney ilmahooda si xun ay ula dhaqmeen isla markaana ay dileen si aan ku talogal ahayn oo ay dayaceen.

Labadan waalid ilmahooda yar waxey ku khasbi jireen inuu khudaarta bisil uu cuno, arrintaas oo keenay in jirkiisu uu xamili kari waayo.

Lama sheegin magaca wiilkan yar waxaana lagu ekaaday oo qura in miisaankiisu ahaa 8-kiiloogaraam marka uu dunida ka faaruqayay.

Khubaradu waxey sheegeen in miisaanka ilmahan yar uu la mid ahaa sidii ilma yar oo 7 bilood jira, ee uma ekeyn, ayey yiraahdeen, sidii ilmo 18-bilood jira.

Lamaanahana ayaa booliska u sheegay inaaney hilibka iyo caanahabaha isticmaalin oo dadka dhirta ku nool ay yihiin, waxa ay cunaanna ay tahay khudaarta oo kaliya.

Hooyada ilmahan yar dhashay ayaa waaxda gurmadka degdegga ah la xiriirtay markii ay ogaatay inaanuu ilmaheeda yari neefsaneyn, waxey isku dayday iney badbaadiso, laakiin nolosha ayuu faaruqay markii ay goobta soo gaareen waaxda gurmadka degdegga ah.

Lamaanahan ayaa waxey lahaayeen saddex caruur ah  oo kale, labo ka mid ah waa laga qaaday kuwaas oo 3 jir illaa 5 jir da’doodu kala ahayd, waxaa gacanta loo geliyay oo korinaya urur ilmaha xanaaneeya oo dowladda hoostaga, halka canugga weyn ee 11 jir ah oo bah goonni ah uu korineyo aabihii.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close