Wararka

Macallimad Caqli Badan.. “Casharkii Ay Ardayda U Dhigeysay Ayey Kusoo Labisatay” (Muuqaal)


Macallimad dalka Spain kasoo jeedda ayaa sameysay xeelad cajiib ah si ay cashar ardaydeeda u fahamsiiso, arrintaas oo ka dhigtay iney ammaan ballaaran ka hesho dunida daafaheeda kala duwan oo looga soo hambalyeeyey.

Firoonika Doki, waxey soo xiratay dhar uu ku xardhan yahay sawir faahfaahinaya xubnaha jirka aaadanaa ee gudaha ah, arrintaas oo ardayday fasalka Afaraad ee iskuulka Valladolid u sahashay maadada  biology-ga ee ay dhiganeyeen.

Doki, waxey u sheegtay jariidada “El-Bayis” ee dalka Spain, in dharkeedu uu raad kala duwan ku reebay ardayda, ardayda qaar wey qeyliyeen, kuwa kale wey u sacbiyeen, ardayda kale waxaa la arkayey inuu welwel ku beermay, halka kuwo kale ay indhahooda daboosheen.”

Macallimadani waxey dooneysay iney ardaydeeeda casharka si sahlan u fahamsiiso, iyadoo ka fogaaneysa qalabka balastiigga ah ee caadiga ah ee iskuullaadka yaalla ee ardayda wax lagu tuso.

Dharkan cajiibka ah ayaa ay macallimadani sheegtay iney si lama filaan ah ku heshay, waxey aragtay isagoo internetka lagu iibinayo, waxey tiri: “Waxaan u arkay mid soo jiidasho leh, xubnaha jirka si waadix ah ayey dushiisa ugu sawirnaayeen.”

Macallin saaxiibkeeda ah ayaa waxa uu ka qaaday sawir iyadoo casharkii dhigaysa, waxa uu  u diray ninkeeda oo dhankiisa sawirrada ku daabacay barta “Twitter-ka”, sawairadani si weyn ayey dunida ugu faafeen, dad badan oo kasoo falceliyayna si weyn ayey u ammaaneen macallimadda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close