Wararka

Dil Yaab Badan oo Ka Dhacay Sacuudiga.. Xaaskiisa Ayuu Habeenkii Dilay.. Subixiina Waxa uu u Toosiyay Si Ay Quraac Ugu Sameyso


Maxkamad Sucuudiga ku taalla ayaa nin ku xukuntay dil aan cafis lahayn, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xaaskiisa ceejo ku dilay si naxariis darro ah.

Sida ay faafisay jariidada “AlDiyaar” ee dalka Sucuudiga kasoo baxada, go’aanka maxkamadda waxaa lagu fariisiyay xadka al-Qillah oo ninkan lagu riday xad ahaanna loo dili doono.

Halka waaxda xuduudda iyo qisaastu ay ku tilmaantay dambiga inuu yahay mid uu si bareer ah u geystay oo uu gooyay ruuxda qof  uu dhiiggiisu macsuum yahay oo aan la ogoleyn in si sharci darro ah lagu daadiyo.

Faahfaahinta dilka nin 32 jir ah ayaa xaaskiisa ceejo ku dilay, iyadoo karfan ku duuduuban ayuuna geeyay isbitaalka isagoo ku andacoonaya in xaaskiisa ay koronto dishay, laakiin dhakhaatiirtii baartay meydka ayaa sheegay in haweenaydan la jirdilay inta aan ceejo lagu dilin ka hor.

Dambiilahan wuu qirtay markii dambe iney xaaskiisa dagaalameen isagoo xaalad aan caadi ahayn ku sugan oo mukhaadaraad soo isticmaalay, waxa uu sheegay inuu ceejintii uu habeenkii u geystay aanuu xasuusan subixii markii uu waagu baryayna uu ka codsaday iney quraac u sameyso, laakiin markii dambe uu arkay iney mayd tahay.

Dambiilahani waxa kale oo uu qirtay in marka uu ceejinayay ay caruurtu hurdeen, waxa uu tilmaamay inaaney wax cadaawad ah kala dhaxeyn, waxa kaliya ee dhibku ahaa, ayuu sheegay, inuu sarkhaansanaa oo saameyntii mukhaadaraadku uu jirkiisa ku jiray.

Garsoorihii maxkamaddu waxa uu sheegay in mukhaadaraadka uu isticmaalay dartii aan dambiga looga cafin karin, waxaa laga diiday cudur-daarkii uu soo jeediyay, maadama qof ka caqligiisa ku ciyaaray uu isaga yahay.

Maxkamaddu waxey sheegtay in dambiga nooca “Qillah loo yaqaanno” qof dambiilaha lagu ciqaabo xad ahaan ee aan qisaas ahaan loo xukumin, isla markaana aan la cafin doonin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close