Wararka

Xabsi Daa’im ayaa Lagu Xukumay Sababtuna Waa 9-dolar oo Kaliya (Muuqaal)


Maxkamad Mareykan ah ayaa muwaadin kasoo jeedda gobolka Alabama ku xukuntay xabsi daa’im, kadib markii uu xaday boorso ay ku jirtay lacag cadadeedu gaareyso 9 dolar.

Idaho Reporter, ayaa sheegtay in muwaadinkan oo la yiraahdo  Wili Semonis uu ku dhashay magaalada Inter-barays ee gobolka Alabama uuna kasoo jeedo qoys faqiir ah. Markii uu iskuulka ku jiray ayuu bilaabay inuu mukhaadaraad isticmaalo oo jirkiisu uu la qabsado.

Joornaalku waxa kale oo uu sheegay in saddex jeer oo hore sanadkii 1979 lagu xukumay tuhunka ah inuu wax xaday,  isla markaana uu iibsday alaab dad laga xaday, sanadkii 1982 Simonis oo markaa ay da’diisu ahayd 25-sano waxa uu xaday boorso 9 dolar ay ku jirto.  Sidaa darteed maadama ay jiraan saddex jeer oo la xukumay (sida uu dhigayo xeerka ciqaabta ee saddexda khalad) ee looga dhaqmo gobolka Alabama, kaas oo sheegaya in xukun adag oo waqti dheer ah lagu ridi karo dambiilayaasha gala sddex khalad wax ka badan ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’im.

Simonis waxaa lagu riday xukun adag oo xabsi daa’im ah oo aan weliba la sii dayn Karin, hadda waa 62 jir, 38 sano oo waqtigiisa ka mid ah xabsi ayuu ku qaaty, sanadkii 2005 ayaa walaashii ay dhimatay cidina hadda xabsiga uguma timaaddo, codsi kasta oo uu racfaan maxkamadda ku qaatayna waa loo diiday.

22 December 2019 socota, ayaa waxaa xabsiga ku booqatay jariidada Beth Shaliboran, oo qisadiisa ku faafiyey barta Twitter-ka iyagoo dhaliilsan xeerka ciqaabta saddexda khalad oo ay ku tilmaameen mid aad u adag.

Waxaa xusid mudan in dhacdo tan la mid ah uu shaqsi mudaadin ah u xirnaa  50-dolar muddo 36 sanno ah isla sanadkan 2019 ayaa xabsiga laga sii daayay, waxa uu dhibane u ahaa sharciga sadeexda dambi, kaas oo markii dambe garsoore Jeferson uu kiiskiisa dib u eegay xabsigana uu ka sii daayay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close