Wararka

Kenya: 43 Arday iyo Macalliim Soomaaliyeed Ah oo Xabsi Loo Taxaabay


Howlag lagu bartilmaansanayo iskuullada waxbarasho ee gaarka loo leeyahay ee ku yaalla xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa waxaa lagu soo qaqabtay arday iyo macallimiin Soomaaliyeed oo looga shaki san yahay iney dalka Kenya ku joogaan sharci darro.

Ciidamada waxey xirxireen arday iyo macallimiin ku kala sugnaa Iskuulaaadka Atlas iyo Alison oo ku kala yaalla wadada Koowaad ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Guddiga ammaanka Islii ayaa sheegay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii la ogaaday in iskuulaadkaas ay wax ka baranayeen arday aan sharci haysan oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Maxamed Ismaaciil Shiine, ayaa Warbaahitna Qaar ka mid ah u sheegay in tirade guud ee ardayda macallimiinta la xiray ay gaarayaan  43 qof oo ay ku jiraan labo macallin iyo hal xoghaye. Ujaadka xarigooda waxaa lagu sheegay iney tahay fulinta wareegto uu soo saaray madaxweynaha Kenya oo lagu amrayo in la xaqiijiyo Koleejyada dalka ku yaalla oo dhan iney diiwaan gashan yihiin iyo in kale, qaabka ay u diiwaangashan yihiin iyo dadka ay wax baraan noocooda.

Arbacadii ayaa maxkamad la horgeeyay ardayday iyo macallimiinta, ciidamada ammaanka waxey maxkamaddu ku amrtay iney labo cisho ku kala saaraan ardayda sharciga leh iyo kuwa sharci darrada ku jooga Kenya, iyadoo kuwa aan sharciga haysan dalka dib loogu soo celin doono.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close