Wararka

“Cashadeennu Caawa Waa Yaxaas”.. Muuqaalka Ay Iska Duubeen Dhalinyaro Sucuudiyan Ah Oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Baraha Bulshadaa (Muuqaal)


Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa  isla dhex marayay muuqaal ay kasoo dhex muuqdaan dhalinyaro Sucuudiyaan ah oo karsanaya Yaxaas, arrintaas oo falcelin ballaaran ka dhalisay baraha bulshada.

Bilowgii muuqaalka barta Twitterka waxaa soo dhigay shaqsi magaciisa la yiraahdo “Racad al-Qasiim”, waxaa laga dheehanayaa tiro dad ah oo qol sii galaya, qolkaas oo ay ku jiraan tiro yaxaasyo yaryar.

Waxa uu sheegay in dadkan cashadoodu ay tahay Yaxaas, yaxaas ayey qaateen oo ay haragga ka siibeen, kadib inta ay diyaariyeen ayey foornada geliyeen si ay u dubtaan, waxeyna u diyaarsadeen bariis yaxaaska iidaan ay uga dhigtaan.

Falcelinta dadka ayaa aad ugu kala duwaneyd, dadka qaar waa ay; taageereen, halka kuwa kalena ay tilmaameyeen inuu Yaxaasku xaaraan yahay oo aan la cuni Karin, halka koox saddexaad ayba ku jeesjeeseen oo ay fikraddan la yaabanaayeen.

Waxaa xusud mudan in ay jiraan dowlado dadkoodu ay yaxaaska cunaan, sida Mareykanka, Kiiniya, Kamboodiya, Singabur iyo Filibbiin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close