Wararka

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Ka Qeybgalaya Shirweynaha Waxbarashada Qaaradda Afrika

Waxaa lagu wadaa inuu wadanka Jabuuti uu ka furmo shirweynaha waxbarashada Qaarada Afrika oo sanadkan uu marti gelinayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wada badan oo Afrika ah waxaana lagu wadaa, inta shirka uu soxdo in madaxdu ay isku soo qaadaan sidii tayeen lahaa waxbarashada ay helaan ardayda ku nool Afrika iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Jahliga.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa sidii loo kobcin lahaa ardayda waxbarata, maadama wadamada afrika lagu tilmaamo in caruurta waxbarato ay tahay mid kooban marka loo eego wadamada ku hormaray waxbarashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada lagu casuumay shirka waxaana kaga qeyb galaayo Ra’iisalwasaare ku- xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre.

Madaxda Soomaalida ayaana lagu wadaa in shirka ka dib ay la kulmaan qaar ka mid ah madaxda wadamada Afrika ayaga oo kala hadli dooono sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa sare u taadidda waxbarashada iyo ubadda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho sareysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close