UncategorizedWararka

Wasiir “Goodax” oo Puntland u Sheegay Wadada Kaliya ee Ay Ardaydu Ku Heli Karaan Shahaadada Dugsiga Sare


Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wadada kaliya ee ardayda Puntlanad ay shahaadada ku heli karaan ay tahay iney galaan imtixaanka midaysan ee Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Wasiir Goodax oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa ka hadlay in arrinta ay salka ku hayso arrimo imtixaanka gelintaankiisa khuseeya ee aaney salka ku hayn arrimo dastuur ah iyo heshiisyo hore oo ay Puntland iyo Dowladd dhexe ay kala saxiixdeen.

“Waxaan rabaa inaan qeexo arrintaasi inaaney salka ku hayn dastuurka, dadku marka ay fasiraayaan waxey ku fasiraayaan dastuurkaa ogol iyo ma ogola, arrintani arrin dastuurka lagu fasiro maaha, arrintaasi arrin heshiiyo iyo waxaas salka ku haaya maaha, waa arrin salka ku hayso arday imtixaan galay ee muujiyay aqoontiisa shahaadada uu qaadanaayo in arday aan muujin balse laga yaabo inuu ka aqoon yar yahay ama midaan ka aqoon yareynba in ay wada qaataan shahaado isku mid ah.”, ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu ka hadlay wadada kaliya ee ay ardaydu ku heli karaan shahaado ay tahay iney imtixaanka u fariistaan:

“Ardaygu imtixaan ha galo hana helo shahaado u qalanta wixii uu shaqeystayna hala siiyo. Qofkii imtixaankaa aan gelinna waa inaanuu shahaado helin.”

Si kastaba, Hadalkan ka soo yeeray wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Senetor ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka  uu ku eedeeyay wasiir Goodax cunaqabateyn xagga waxbarashada ah inuu ku hayo dowlad goboleedka Puntland.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close