UncategorizedWararka

Ri’ Iyo Ey Ku Tartamaya Duqa Magaalo Ku Taalla Gudaha Mareykanka (Muuqaal)


Ri’ la yiraahdo Linikolin ayaa waxey hadda haysaa xilka duq sharafeedka magaalada Faar-Haywan ee gobolka Fermonit ee gudaha Mareykanka.

Ridan ayaa la doortay xagaagii hore, waxaana duqa magaalada u soo sharraxay macallin iskuul maxalli ah oo xilligaa wakiil ka ahaa wiil uu awoowo u yahay oo 4 jir ah oo uu awoowo u yahay, caruurta magaalada ayaa xaq u  leh iney soo sharraxaan xayawaanka loo dooranayo duq-sharafeedka magaalada.

Rida Linikolin ayaa waxey ka qeybgashaa kulamada samafalka ah waxey booqataa carwooyinka gacansi, sidoo kale waxey maamushaa ururka goobaha dalxiiska, madadaalada iyo magaalooyinka ay caruurtu ku ciyaaraan.

Magaalada Faar-Haywan ayaa sanad kasta waxaa ka dhaca doorashada, waxaana sanadkan loo asteeyay 3 Marso ee sanadkan cusub ee aan ku gudo jirno.

Rida  Linkolen waxaa la tartamaya ey boolis ah oo la yiraahdo Saami oo la filayo inuu tartan adag la galo doorashooyinka, halka tirada xawaanka illaa iyo hadda ay caruurtu soo sharraxeen ay gaarayaan 16 xayawaan, ilmo kasta oo doorashada ka qeybgalaya waxaa looga baahan yahay inuu bixiyo hal doolar.

Lacagta doorashadan laga uruuriyo waxaa lagu bixinayaa arrimo samafal ah oo cidda u baahan lagu taageerayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close