Uncategorized

Aroosad Lacago Dul Dhigtay Dadka Kasoo Qeybgalaya Arooskeeda (Muuqaal)


Aroosad ayaa waxey goosatay iney dib u soo ceshatay kharashaadka maalinta arooskeeda kaga baxaya, waxey ku fakartay waddo yaab badan oo dadka xafladda lagu casuumay ay lacag uga qaadayso.

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda ayaa sheegtay in shaqsi ka mid ah dadkii xafladda lagu casuumay uu sheekadan kusoo daabacay baraha bulshada, waa gabar ay ilma adeer yihiin aroosadda oo sheegtay in inaadeerteed ay lacag ku xirtay in laga soo qeybgalo xafladda arooskeeda oo qofkii imaanaya laga rabo inuu bixiyo 50-dolar.

Waxey ayaa tilmaantay in aroosaddu ay tahay qofka fikirka keenay, waxey account ka furatay bank oo halkaa lacagta lagu shubayo, qofka lacagta bixiya magaciisa ayaa la diiwaangelinayaa kadib waxaa loo dirayaa ifiteeshinkii xafladda oo la’aantii aan laga qeybgeli Karin arooska, qofka waxaa laga rabaa waa inuu ifitaashinka wato shaqsiga oo uu tuso shaqsiga albaabka taagan ee soo dhaweynta qaabilsan.

Waxey hadalkeeda sii raacisay, iney iyadu ardayad tahay isla markaana aaney awoodin iney bixiso lacagaha xafladda la dul dhigay, waa qodob ka horistaagay iney xafladda ka qebgasho, waxa ay tiri: “Markii aan shuruudaha akhriyay, lama filaan ayey igu noqotay, laakiin markii dambe waan u garaabay, maxaa yeelay; waxey rabtaa iney dib u soo ceshato kharashaadka arooskeeda.”

Waxey hadalkeeda kusoo gabagabeysay: “Waxaan u sheegay inaan arooskeeda kasoo qeybgali Karin maadama aanan lacagta awoodin, waxaan u rajeynayaa in guurkeedu u wanaagsanaado, iyadoo ay jirto iney waalidkey ii soo bandhigeen iney lacagta bixin doonaan, ayaan anigu iska diiday.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close