Wararka

Dhakhtarkii Ugu Horreeyay Ee Ka Digay Fayraska “Corona” Oo Cudurka U Geeriyooday

Fayraska Corona ee cabsida ballaaran ku haya dunida, qisooyinkiis murugada leh waxaa ka mid ah dhakhtarkii ugu horreeyay ee ka diga cudurka in la isku dayay in afka laga xiro, waxa uu ka shaqeynayay magaalado Wohan ee uu cudurka ee uu cudurku ka dillaacay, waa 34 jir, , cidina ma aaney aaminin, waa xilligii ugu horreysay ee fayrasku uu soo baxay, waana dhammaadkii bishii December ee 2019. Hadda waxa uu noqday halyey Qaran oo gudaha Shiinaha iyo dibaddiisaba ku caan baxay.

Isagoo shaqadiisa caadiga ahayd iska wata, ayaa waxa uu arkay fayras aan fayrasyadii la yaqaannay u ekayn, shaybaarka ayuu la galay si uu u baaro waxa cusub ee uu arkay waxa ay yihiin, waxa uu ogaaday in bu’da fayraska uu shabbaho fayriskii Saaras, laakiin uu leeyahay xayndaab taaj ah oo ku hareeraysan, waana halka ay ka timid magaca Corona, saaxiibadii oo ay xilligaa group dhanka WhatsApp-ka ah ku wada jireen ayuu uga digay fayraska, waxa uuna kula taliyay iney isticmaalaan gacmo gashiga galoofiska ah, maadama uu fayrasku khatar badan yahay oo uu shabbaho fayraska Saaras.

4 maalmood kadib dhacdadaas ayaa waxaa u yimid 4 askaro oo booliska Shiinaha ka tirsan, waxey ugu hanjabeen inuu ka cudur-daarto isla markaana uu beeniyo warka uu faafiyay, waxey ku yiraahdeen waxaan kaaga digeynaa inaad ku madax adeygto, haddii kale, caddaaladda ayaan ku horgeyn doonnaa.

Xilli dambe ayaa maamulka Wohan ay ka cudur-daarteen falkooda ay dhakhtarka kula kaceen, cudurka dartii ayaana dhakhtarkani waxa uu ku galay xaalad khatar ah,  laakiin xilli dambe habeennimadii  Jimcaha ayuu geeriyooday Dhakhtar “Lee Won Yanag” kadib markii uu muddo la dhibaatoonayay fayriska Corona.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday geerida dhakhtarka: “Waxaan rabaa inaad idin ogoleysiiyo in Dhakhtar Lii Won Yan oo ka tirsana isbitaalka magaalada Wohan uu geeriyooday kadib markii uu muddo la dhibaatoonayay cudurka dhakhaatiirtuna ay isku dayeen iney naftiisa badbaadiyaan, waxaan tacsi u direynaa ehelkiisa iyo qaraabadiisa, dhakhaatiirtu safka hore ayey ku jiraan, naftooda ayeyna halis u gelinayaan si ay cudurka ula dagaallamaan.”

Geerida dhakhtarka ayaa falcelin badan ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo dad badan oo Shiineys ah ay dalbanayaan in xoriyatul qowlka la ilaaliyo si qof kasta oo shacabka ka tirsan uu si xorriyad leh uga hadlo arrimaha ka socda gudaha Shiinaha.

Goobjoog Edu


Related Articles

Close