Wararka

Wasiir Goodax oo Mar Kale Ka Hadlay Mowqifkiisa Ku Aaddan Shahaado Siinta Ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland


Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa Puntland, ayaa ardada u sheegay iney muhiim tahay iney imtixaanka galaan.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA, Wasrii Goodax oo u jawaabay ardayda Puntland oo muuqaallo cabasho ah oo ay ku dalbanayaan inaan waxbarashada la siyaasadeyn ku baahiyay baahiyey Internet-ka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Wasiirka oo tilmaamay ineysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay iney galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close