Wararka

Diiq Loo Xiray Cabsho Ay Ka Gudbisay Dublumaasiyad Ka Shaqeysa Gudaha Aljeeriya (Muuqaal)


Booliska Aljeeriya ayaa waxey xireen diiq ay ka qabteen deegaanka al-Abyar, kadib markii ay dacwad ka gudbisay dublimaasiyada Taliyaani ah oo qeyladiisa u adkeysan weyday.

Ninka Diiqan iska leh oo lagu naaneyso “Sardook”, ayaa sheegay in booliska ay soo gaarsiiyeen cabashada haweenayda dublimaasiyadda ah, kadib gurigiisa ayey gudaha u galeen oo diiqii ayey lugta ku soo dhageen oo ay soo qabteen.

Muwaadinkan ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Maalintii xigtay waxaan aaday booliska si aan wax uga weydiiyo diiqii halka uu ku dambeeyay, laakiin waxey u sheegeen inaaney garaneyn halka uu ku dambeeyay, ninka ayaa aad uga murugooday inuu xaywaankiisa waayo.

Qisadan ayaa waxey ku faafay baraha bulshada oo si ballaaran looga hadal hayo, wariye Suleymaan Xamiish oo ka howlgala gudaha Aljeeriya ayaa waxa bartiisa bulshada kusoo qoray: “Gudaha al-Jeeriya dublumaasiyad ayaa diiq cabasho ka gudbisay gudaha al-Abyar, booliska ayaa soo faragaliyay, waxey  qabteen diiqii oo la ay la aadeen. meel aan la garaneyn, waxaan ku nool yahay duni qosol badan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close