Wararka

Ganacsade Kanada U Dhashay Oo Gubay Hal-Milyan Oo Dolar Si Uu Ugu Xumeeyo Haweenay Ay Kala Tageen (Muuqaal)


Maxkamad Kanada ku taalla ayaa xabsi 30 cisho ah ku xukuntay ganacsade Kanadiyan ah oo la yiraahdo Bros Makonfel, kadib markii uu qirtay inuu gubay hal-milyan oo dolarka si uu uga baxso inuu lacago biil ah uu siiyo haweenaydii ay kala tagaleen iyo wiil uu dhalay.

Jariiradada New York Post ee dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa sheegtay in gacansadaha Broos Makonfel oo 55 jir ah uu maxkamadda ka hor qirtay inuu bankiga kala baxay 750-kun oo doolarka Mareykanka ah oo uu 25 jeer oo kala duwan uu kala baxay lix account banki oo uu lahaa.

Lacagtan ayaa uu gubay labo jeer oo kala duwan, tan koowaad waxey ahayd 23 September iyadoo lacagta uu xilligaa gubay ay gaareysay 743-kun oo dolar, markii labaad waxey ahayd 15 December oo uu gubay 296-kun oo dolar.

Jariidadan ayaa sheegtay in garsoorihii maxkamadda uu ku xukumay Makonfel oo lagu xukumay xabsi 30-maalmood, maadaama xukunkii hore maxkamadda uga soo baxay uu baalmaray, waxaa kale oo lagu xukumay inuu maalin kasta bixiyo labo kun oo dolar maadama uu diidan yahay inuu gacansigiisa iyo lacagta uu haysto uu caddeeyo.

Waxaa xusid mudan in Makonfel uu u tartamay duqa caasimadda Kanada sanadkii 2018, laakiin waxa uu ku fashilmay inuu meesha ka saaro Jiim Watson oo jagadaa ku fadhiya illaa 2010.

Related Articles

Close