Wararka

Ilbiriqsiyo Murugo Badan.. Qoys Looga Shakisan Yahay Fayraska Corona Oo Xoog Lagu Maquuninayo (Muuqaal)


Muuqaal ku faafay baraha bulshada oo laga duubay magaalada Wohan ayaa muujinaya qoys looga shaki san yahay iney qabaan fayraska Corona oo si awood ah looga soo saarayo gurigooda.

Muuqaalkan ayaa dadku aad uga murugeysnaayeen, maadama qoyskan awood loo adeegsaday si gurigooda looga saaro, waxaa muquunintan sameynaysay waaxda gurmadka degdegga ah oo xubnahoodu ay xirnaayeen dhar ay cudurka uga dhowrsanayaan, dadka qaar wey jiidayeen halka deriskii qoyska ay muuqaalka sawirayeen.

Xilli sii horreysay ayaa dadka baraha bulshada adeegsadaa ay isla dhex marayeen muuqaalka haweenay Shiineys ah oo boolisku ay qabanayaan maadama aaney wadan maskarada cudurka looga gaashaanto ee sanadka iyo afka lagu daboolo arrintaas oo sharci darro ah gudaha Shiinaha.

Si kastaba, Ciidanka ayaa awooddooda adeegsanaya si ay u xadeeyaan faafitaanka cudurka, dadka badanaa waxey ku dhaqmaan xeerarka ka hortagga oo dadkii khilaafa la ciqaabayo.

Dadka fayraska u dhintay ayaa sii kordhaya hadda waxey gaareen 722 shaqsi, waxaa la diiwaangeliyay 86 xaaladood oo cusub oo cudurka u dhintay Jimcihii, waxaa cudurka qaba 34.500(Soddon iyo afar kun iyo Shan boqol oo qof) oo ku nool daafah kala duwan ee dunida.

Ilbiriqsiyo Murugo Badan… Qoys Looga Shaki San Yahay Fayraska Corona Oo Xoog Lagu Maquuninayo Si Gurigooda Looga Kaxeeyo

Posted by Goobjoog on Monday, 10 February 2020

Goobjoog Eud

Related Articles

Close