UncategorizedWararka

Sacuudiga.. Haweenay Miisaankeedu Yahay 200-kg oo Isbitaal La Dhigay (Muuqaal)


Maamulka gurmadka degdegga ah ee hoostaga wasaaradda caafimaadka Sucudiga ayaa isbitaalka gaarsiiyay haweenay miisaankeedu yahay 200 Kg kadib markii ay soo waajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah.

 Sida ay qortay jariidada “Sabq”, gaadiidka ambulance, koox kale oo loo diyaariyay oo ka socotay bisha cas iyo difaaca madanig ah ayaa waxey isku kaashadeen si ay xaaladdan ula mucaamili lahaayeen.

Haweenaydan ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaalka boqor Faysal si loogu sameeyo baaritaankii ay u baahneyd loona daaweeyo.

Maamulka gurmadka degdegga ah ayaa ku guuleystay iney xaaladdan oo kale horey ula mucaamilaan, waxey gurigiisa kasoo saareen ninkii ugu buurnaa adduunka, maadma ay hasytaan ambulance weyn oo xaaladdan oo kale loogu talogalay in lagula macaamilo.

Sacuudiga.. Haweenay Miisaankeedu Yahay 200-kg oo Si Isbitaal Loo Geeyo Ay iska Kaashadeen Dhowr Kooxood oo Wasaaradda Caafimaadka Ka tirsan

Posted by Goobjoog on Monday, 10 February 2020
https://www.facebook.com/goobjoognews/posts/2749395018472296

Goobjoog Edu

Related Articles

Close