Wararka

Qisada Dhabta Ah ee Maalinta Jacaylka


Qisooyinka maalinta jacaylka laga sheego aad ayey u fara badan yihiin, laakiin sheekada wadadaadka “Valentine”, ayaa ah tan loo badan yahay ee dadka intiisa badan ay xiiseeyaan.

Boqortooyadii hore ee Romanku waxey u dabbaaldegi jirtay ciid ay ugu yeeri jireen (Lobarkilina), oo sanad walba 15 February ku beegneyd, ciiddaas oo salka ku haysay caadooyin iyo dhaqan dadka sanamka caabuda, waxey hadiyado u geyn jieen Ilaahayda dhagaxaanta ka sameysan ee ay aaminsanaayeen, si beerahoodu ugu barakoobaan dhibaataduna uga fogaato.

Dhammaadkii Qarnigii 3aad ee miilaadiga, ayaa Romanku waxey galeen xaalad dagaal, waxaa la arkay in xaaslayaasha ay caajis yihiin oo ay ka caga jiidayaan dagaalka halka doobabka ay xamad iyo karti ka muujiyeen goobaha foodda la isku geliyo cadowga, boqorkii xilligaas waxa uu goostay inuu guurka gabi ahaanba joojiyo.

Go’aankaas dad badan ayaa kasoo horjeestay waxaa ka mid ahaa wadaadka “Falantino” oo goostay inuu si sir ah dhalinyarada iskugu guuriyo, laakiin boqorkii Kaloodiyos ayaa arrinkiisa ogaaday markaas ayuu xabsi dhigay.

Arrinta labaad ee wadaadkan xaaladda ku adkeysay ayaa ahaa go’aan labaad oo boqorku soo jeediyey inuu ka hor yimid, boqorku waxa uu amar ku bixiyay in dib loogu noqdo diintii aabayaasha oo sanam la caabudo, wadaadku wuu ka soo horjeestay arrintaas oo dhalisay in dil lagu xukumo.

Intii uu xabsiga ku jiray ee uu sugayay in xukunka lagu fuliyo, ayaa ninkii xabsiga madaxda ka ahaa uu wadaadka ka codsaday inuu u duceeyo gabar uu dhalay oo xilligaa indho la’aaan ahayd, markii uu u duceeyay ayey arageedii dib u heshay.

Falantin inta aan la dilin ka hor waxa uu qoray warqad dareen badan oo uu ku cabbirayo jacaylka uu u qaaaday gabadhii ay xabsiga isku barteen, farriintaas waxa uu kusoo gabagabeeyay “Farriintani waxey ka timid qof si dhab ah kuu jecel”

Falantin waxaa la dilay February 14, 279 miilaadiga, maalintaas ayaana noqotay maalinta astaanta u ah jacaylka, iyadoo maalintan lagu maamuusayo dadaalkii wadaadkan uu naftiisa u huray inuu kor u sido calanka jacaylka oo uu u diiday inuu dhulka ku dhaco.

Sanadkii 496, ayaa si rasmi ah loo asteeyay in maalinta February 14 ay noqoto maalinta wadaadak “Falantin” oo jacaylka astaan u noqday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close