Wararka

Haweenay Turki Ah Oo Ninkeeda Ka Dalbaneysa Inuu Usoo Celiyo Kallideeda


Haweenay Turki ah ayaa ninkeeda ka codsaneysa inuu usoo celiyo kallideeda ay muddo ka hor ugu tabarucday, kadib markii uu ka tagay oo haweenay kale uu ka raacay.

Mafiish Ordogan ayaa barnaamij telefishin oo ay marti u ahayd ka sheegtay iney ninkeeda ugu tabarucaday kalli sanadkii 2009 si ay noloshiisa u badbaadiso, laakiin waxa uu ugu abaalguday inuu khiyaano oo uu ku madax adeygo.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaan u hibeeyay kalideyda, maadama aan nolosha ku wadaagno, waxa uu illoobay iney walaaladii iyo aabihii ay diideen iney ku tabarucaan, qofka kaliya ee garabkiisa taagneyd ayaan ahaa.”

Haweeneydii barnaamijka wadday, ayaa isku dayday iney la xiriirto, waxa uu ka warramay qisada jaceyl ee uu ku nool yahay, waxaana uu hoosta ka xariiqay iney xaaskiisu ku khaldaneyd iney xilligaa kallida u saarto.

Maafish iyo ninkeedu waxey is-guursadeen 2006, markii ay saddex sanno kasoo wareegtay guurkooda ayey ugu tabarucday kalideeda.

Laakiin ninkeedu waxa uu ka fara baxsaday bishii April isagoo doorbiday inuu haweenay kale ka raaco, isagoo meel cidlo ah kaga dhaqaaqay xaaskiisii iyo wiil uu dhalay oo 11 jir ah oo la noolaan doona hooyadii oo murugeysan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close