Wararka

Faraanti Ka Lumay 47 Sano Ka Hor Ayey Heshay… Qoraalkii Ku Xardhanaa Ayaa Kaalin Mug Leh Ka Ciyaaray


Shaki kuma jiro in nolosha ay ka dhacaan arrimo yaab badan, waxaan maqalnaa qof ay soo gaartay boost loo soo diray 10 sano ka hor, ama farriin dhalo la geliyay oo biyaha badda la raaciyay sanado ka hor iyo arrimo badan oo kale oo layaab leh.

Laakiin arrinta qabsatay “Dibara Maakina” waxey ahayd arrin yaab badan, inaan faraanti weydo 47 sano ka hor oo magalaalo Mareykan ah uu kaaga dhex lumo, kadib laga helo keymaha Finland, waa arrin aad u yaab badan.

Waana arrinta qabsatay “Dibara” oo hadda jirta 63-sano, waxey weyday faraantigeedii qalinjabinta ee si khaas ah oo markii dambe ay is guursadeen oo xilligaa ay wada dhigan jireen iskuulka Portland, Maine ee sanadkii 1973.

Sida ay qortay jariidada  “Bangor” ee maalin laha ah, Dibra waxa uu faraantigu kaga lumay gudaha iskuulka xilligaas oo ay arday ka ahayd iskuulka sare ee Moris.

Markii ay muddo kasoo wareegatay ayey arrinta faraantigan iska illowday, nin cilmibaare ah oo dadka macdanta qoda ah ayaa waxa uu ka helay faraantiga isagaoo ku aasayn god 20-santimitir ah, waa markii ay ksoo wareegtay 47 sano.

Faraantiga ayaa iska lahaa oo ninkii qabay Dibora ee hadda geeriyooday, kaas oo ay la socotay xilligii ay dugsiga sare dhiganeysay iyo weliba waqtigii jaamacadda, kadib wey is guursadeen waxa uu geeriyooday 2017 waa markii ay is abeen 40-sano oo ay wada noolaayeen.

Dibara Makina waxey tilmaantay iney oohin la dhacday, markii uu faraantigu soo gaaray gurigeeda oo ku yaalla Baronsik iyadoo boosto loogu soo dhiibay iskuucii hore.

Waxey tiri waa arrin saameyn badan, dunidan aan ku nool nahay ee xaaladaha adag ay ka jiraan waxaa ku nool dad wanaagsan oo dadaal ku bixinaya sidii ay dad kale ku farxadgelin lahaayeen, waxaan u baahan nahay dad badan oo la mid ah.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close