Wararka

Waxaa Geeriyootay Canugtii “Duqda” Ahayd… Waxey Dhlatay 8 Sano Ka Hor Da’deeduna Waa 80 Jir!


Gabadha yar ee reer Ukraine ee “Anaa Sakido” ee 8 jirka ah ayaa waxey noqotay ilmihii ugu yaraa ee u dhinta cudurka asaasaqa ama (cimir-degdegga), cudurkaas oo ay la dhibaatoonayayaan 160 qof oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida.

Ana waxaa ku dhacay cudur hiddo ah oo naadir ah oo dhanka cilmiga loo yaqaanno “Barogeriya”, waxey u ekeyd iney Sideetan jir tahay, halka da’deeda rasmiga ah uu yahay 8 sano oo kaliya.

Sida uu sheegay websiteka “Folin 24”, miisaanka canugtan yar waxa uu gaarayey 7-kiiloogaram, waxeyna u dhimatay iney fariisteen xubno badan oo xubnaha jirkeeda ka mid ah maadama ay  xubnahaaasi duqoobeen “Fesoloji ahaan.”

Dadka cudurkani uu ku dhaco halkooda sanno waxa uu u dhigmaa 10 sano oo dadka caadiga ah, lafaha dadka cudurkan qaba si gaabis ah ayey u koraan, halka ay si xoog ah u koraan xubnaha kale ee jirka oo si dhakhsiyo ah u duqooba.

Sida tirakoobyada lagu ogaaday dadka cudurka asaasaqa ah u dhintay, waxey sababsadeen dhiig furan dhanka maskaxda ah iyo Istarog , iyadoo dadka cudurkan uu ku dhacay noloshooda waxey ku noolaadaan curyaannimo iyo baralays.

Cilmibaaris cusub oo Holland laga sameeyay, ayaa lagu ogaaday in “Barogeriya” uu ku dhacay 20 milyan oo qof, laakiin dadka diiwaangashan ee la og yahay ay tahay 160 qof oo kaliya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close