Wararka

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo 11 Gaadiid Ku Wareejisay Wasaaradaha Waxbarasho ee Maamul Goboleedyada Dalka


Wasaaradda Waxbarashada XFS, ayaa maanta 11 gaadiid ku wareejisay wasaaradaha waxbarashada ee maamul goboleedyada dalka, iyadoo gaadiidkan loo adeegsan doonto kormeerka waxbarashada dalka.

Wasiirka iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimadda uu gaadiidkani u leeyihiin waxbarashada dalka.

Wasiir Cabdillaahi Goodax Barre ayaa yiri: “Waxaan maanta ku wareejinay Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada Dalka 11 baabuur oo laga iibiyay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education).”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Baabuurtan waxey kaalin weyn ka qaadan doonaan dhismaha kormeerka waxbarashada Soomaaliya oo baahi aad loogu qabay, waana bilow, haddii Alle yiraahdo wey ballaaran doontaa haddey noqoto dhinaca farsamada iyo tababarka iyo dadkaba, waxaan jecelahay inaan mahadcelin ballaaran u jeediyo EU-da iyo mashruuca GPE.”

Si kastaba, gaadiidkan ayaa loo isticmaali doonaa kormeerka waxbarashada iyadoo la filayo inuu haqabtiro qeyb ka mid ah baahiyaha kormeer ee waxbarashada dalka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close