Wararka

Wasiirka Goodax: Waxaan Midayneynaa Dadaallada Kobcinta Afka Soomaaliga


Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay dadaalka loogu jiro horumarinta Afka hooyo ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dhaq-dhaqaaqyada kobcinta Afka Soomaaliga.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SONNA, Wasiir Goodax, ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Jabuuti dowrka ay ka qaadanayso horumarinta Afka iyo sameyntii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

Wasiir; Goodax ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan tababarka shaqaalaha Dowladda si qoraallada ka soo baxa Xafiisyada Dowladdu ay u noqdaan kuwa ku qoran Af Soomaali sax ah.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo Maalintii Jimcaha ee 21-ka Feebaraayo Caalamka laga xuso ahmiyadda uu leeyahay Afka Hooyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close