Wararka

Wasriika Goodax: Waxbarashada Benaadir Waxey Si Toos Ah u Hoos Tagi Doontaa Maamulka Gobolka


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta waxaa uu ka hadlay hannaaka guud ee waxbarashada gobalka banaadir iyo dadaalka wasaardda ugu jirto hormarinta waxbarashada Gobalka.

Wasiirka ayaa xusay in Gobalka Banaadir hadda ka dib loo baahan yahay in hanaanka waxbarashada  ee gobolka uu hoggaamiyo, waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:

 “ Waxaan rabaa inaan qeexo sida ugu dhaqsiyaha badan ugu xanuunka yar culeyska ugu yar saari karo Gobalka inaan waxbarashada gobalka aan ku soo wareejinno maamulka, ma’ahan iskuulaadka dowladdu maamusho kaliya in la wareejinaayo ee waxaa la wareejinayaa wax walbo oo la xariiro waxbarashada oo laga dhex agaasimayo maamulka Gobalka Banaadir.”

Si kastaba, Muqdisho ayaa ka madax banaaneyd nidaamka maamul goboleedyada dalka ee dhanka waxbarashada oo si toos ah u hoos tagi jirtay wasaaradda Waxbarashada XFS, si ka duwan maamul goboleedyada dalka oo nidaamkooda waxbarashada si toos ah u maamula.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close