Wararka

India Oo Gawaaridii Qadiimiga Ahaa Loo Bedelayo Masqulo Ay Dumarka U Gaar Ah


Sida dumar badan oo Hindi ah haysta ardaydda ,Sofiya Dogariya, waxey dareentaa welwel badan dhibaatada ay ka marto marka ay masqul u baahato, waxey ku khasban tahay iney waddo dheer marto si ay gurigeeda u gaarto oo xaajadeeda ay u gudato, arrintaas oo ka dhigan in la helo masqulaha dadweynaha ee nadiif ah kuwo aad loogu baahi qabo waddanka ku yaalla koonfurta Asia.

Laakiin , waxey aad ugu faraxday markii beer ka mid ah goobaha lagu nasto oo la yirahdo beeraha Bonda ay ka heshay gaari qadiimi ah oo loo bedelay masqul guurguurta oo dumarka gaar u ah, waana mashruuc ay sameeyeen lamaane is qaba oo si gaar ah iskaga xil saaray, gaadiidkoodii qadiimiga ahaa ayey u bedeleen masqulo ay dumarku ka faa’ideystaan oo naftooda ay ku aamini karaan.

Gabadhaan 18 jirka ah ayaa wakaaladda France Press, u sheegtay: “Waxaan aaday beerta aad ayaan ugu baahnaa inaan masqul galo, masqulahan aad ayey u wanaagsan yihiin ammaan ayaanad ku dareemaysaa.”

Haweenay kasta masqushan waxey ku geli kartaa 5-rubi(0.64 Euro), waa masqul leh goob ilmaha naaska lagu nuujiyo isla markaana xafaayadaha caruurta laga iibsan karo.

Mashruucan oo la yiraahdo (Tii-Tuwalet), ayaa la hirgeliyay sanadkii 2016, waxaana hirgeliayay gacansade Olkaa-Saadalkaar iyo Ra’iif Kheyr, waxaana uu ka kooban yahay 12-masqulood oo kuwo guurguura ah waxaana maalintii isticmaali kara 200 oo dumar ah.

Ganacsadahan ayaa qorsheynaya inuu masqulahan gaarsiiyo 1000 masqulood oo guurguura 5 sano ee soo aaddan.

India oo ah dal dadka ku nool ay gaarayaan 1.3-bilyan oo qof ayaa waxaa laga dhisay malaayiin masqulood oo kuwo dadweynaha ah oo laga sameeyay barnaamij la oran jiray “India oo nadiif ah” oo la hirgeliyay xilligii ra’isul wasaare , Narindara Modi, laakiin waxaa isticmaalkooda halleeyay  dayacaad, biyo xumo iyo koronto la’aan, arrimahaas oo ka dhigay in masqulo badan ay yihiin kuwo aan la isticmaali karin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close