Wararka

Waddo Fudud Oo Adigoo Guriga Jooga Aad Ku Ogaan Karto In Fayraska Corona Uu Ku Hayo Iyo In Kale


Dhakhaatiir ku sugan Taiwan ayaa daahrogay hab fudud oo adigoo guriga jooga aad ku ogaan karto in uu ku hayo cudurka dilaaga ah ee waayihii dambe dunida sida aadka ah ugu faafsanaa ee Coronavirus.

Jannalka Al-Arabiya ayaa dhakhaatiirtan kasoo xigtay tallaabooyinkan sahlan oo lagu ogaan karo cudurka Coronavirus.

Si mug leh neef u qaado muddo 10-ilbiriqsi ah isku day inaad hawada jiiddo, haddii aad ku guuleysato oo aanad  dareemin ririxayo, daal iyo neef qabati, waa arrin ku tusineysa inaan sambabahaagu qabin Pulmonary fibrosis, oo calaamad u ah Coronavirus.

Dhakhaatiirtu waxey ku talinayaan in subax kasta baaritaankan aad isku sameyso oo hawo nadiif ah aad qaadato, gaar ahaan marka aad joogto goob cudurka looga shakisan yahay, hubso in afkaaga iyo dhuuntaaduba ay qoyan yihiin, marwalba isku day inaad biyo cabto si nidaamsan 15-daqiiqo oo kasta si aad cudurka uga dhowrsato.

Waxaa xusid mudan in tirakoobyadii ugu dambeeyay ee Jimcihii soo baxay ay sheegayaan in xaaladaha dadka uu fayrasku ku dhacay ee daafaha kala duwan ee dunida ay  83,877, halka ay u dhinteen 2867.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close