Wararka

Dowladdii Ugu Horreysay Dunida Ee Gaadiidkeeda Lacag La’aan Ka Dhigta


Go’aan noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah ee dunida laga hirgeliyo isla markaana ah mid taariikhi ah cusub oo dhanka gaadiidka dadweynaha gaar u ah, Luxembourg ayaa bilowday, Sabtidii, iney dhaqan geliyaan siyaasadda ah in gaadiidka dadweynaha laga dhigo mid bilaash ah, waana dowladdii ugu horreysay ee dunida oo dadweynaha dalka u dhashay iyo dadka booqashada ku joogaba ay si bilaash ah ku raaci karaan gaadiidka si aan kala sooc lahayn.

Xukuumadda Luxembourg ayaa go’aankan uga golleh iney ku dhiirrigeliyaan dadka gawaaridooda gaarka ah isticmaala si ay u raacaan gaadiidka dadweynaha, arrintaas oo xal u noqoneysa jaamka waddooyinka ka jira oo maaro oo la’yahay, gaar ahaan mgaaalada Luxembourg ee caasimadda ah.

Magaalada Luxembourg, ayaa waxaa ka jira jaamka ugu daran adduunka, magaaladan oo ay ku nool yihiin 110-kun oo qof ayaa waxaa dibadda uga yimaadda oo usoo shaqo doonta 400 oo kun oo qof oo shaqo u yimaadda.

Lacagta gaadiidka lagu raaco markii horeba qaali ma’aaney ahayn, safar mudadiisu tahay 2 saacadood tigidka aad ku raaceysay waxa uu ahaa 2-euro oo kaliya, maadama waddanka bedkiisu uu iska yaryahay oo uu ku fadhiyo (2600-km oo iskuweer ah), halka safarka darajada koowaad ee VIP aad ku raacayso 3 Euro illaa 4 Euro oo ah maalin dhammeystiran.

Si kastaba, gaadiidka ayaan bilaash wada ahayn, rakaabka darajada koowaad ee VIP waxey iska bixin doonaan khidmadda adeeggan oo markii horeba iska raqiis ahaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close